Ma is qarxin mise Miino horay loogu aasay gudaha Hotel ka Shaamow Xog-dheer oo ku saabsan qaraxii 3-dii bishan ka dhacay Hotel Shaamow oo Faah faahsan.
Shacabka reer Muqdisho iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed marna qalbigooda kama go’in qaraxii muragada lahaa ee ka dhacay 3.Dec.09.Hoolka Hotel Shaamow ee Magaalada Muqdisho.
Qaraxan oo aysan jirin cid mas’uuliyad ahaan sheegatay ayaa dowladda KMG oo ka hadashay waxay soo bandhigtay muuqaal sawir wiil dhalinyaro ah oo qaarka kore kaliya ka bad qabay, waxayna sheegeen in uu ahaa ninka is qarxiyey oo shuko {Xijaab} xirnaa.
Haddaba xog badan aan ka aruurinay qaraxaasi si shacabka Soomaaliyeed ugu soo bandhigto Qaraxa cida geysatay iyo ujeedka ka danbeeya ayaa waxaa 70% ogaanay qaraxaasi in uu ahaa Miino horay loogu aasay Hoolka Hotelka.
Qaabka qaraxa u dhacay laba midkood waa loo qaadan karaa in uu ahaa Qarax Miino meesha horay loogu aasay ama in uu ahaa Qarax qof naftii hore ahaa is qarxiyey.
Haddii ay ahaan lahayd qarax qof naftii hore ah ku dhaqaaqay, koox ka mid ah kooxaha Islaamiyiinta ayaa sheegan lahaayeen mas’uuliyada qaraxaasi sida horay looga bartay kooxda Al-shabaab, laakiin kooxdaasi wey beenisay mana sheegan mas’uuliyada qaraxaasi, iyagoo cadeeyeen in goobahaasi oo kale ka suuroobeyn in ay ka sameeyaan qarax culus.
Haddaba Ninka dowladda soo bandhigtay oo shaashadaha laga arkay ayaa waxaa beenowday in uu watay shuko {Xijaab} waxana lagu arkay safka hore leenka marti sharafka isaga oo maahsan oo maqan jooge ah ama ka muuqatay muuqaal hurdo ah ama Caajis.

Ninka qaraxaasi waxay u eg tahay in firirka qaraxa soo gaaray maadaama safka hore leenka ku jiray, maxaa yeelay dad ay ka mid ahayd Wasiiradii Caafimaadka ayaa qeyb ka mid ah jirkeeda la waayay, ninkana sidaas oo kale ayaa loo waayay qeyb ka mid ah jirkiisa, dowladdana midaas ayay fursad ka dhigatay oo ay ku sheegtay in ninkaasi yahay ninka is qarxiyey oo laayay intaas oo qof oo aan shaqo ku lahayn siyaasadaha is diidan ee ka jira dalka Soomaaliya.
Dadka indha indheeya Arrimaha Siyaasada Soomaaliya markii aan xariiro la samaynay una sheegnay qaabka qaraxa iyo baaritaanada aan samaynay waxay 70% sheegeen qaraxaasi in uu ahaa mid miino ahayd oo horay loogu aasay dhulka hoose masraxa ay ku sugnaayeen madaxdii dowladda, Dhaqaatiirti, Wariyayaashii iyo Ardaydii maalintaasi ku taamaysay in ay qaataan shahaadooyinkii ugu danbeeyey ee dhanka Caafimaadka.
Qaraxa waxa uu ku soo beegmay maalin dibad bax ka jiray Zoobe ilaa Banaadir oo ay joogaan Taageerayaaha Cabdi Qeybdiid oo ahaa Taliye xilka laga qaaday, waxaana dhici karta qaraxa in ay si kacdoon ah taageerayaasha u sameeyeen.
In kastoo anaga aanan cadayn u heyn kooxda ama shaqsiga ka danbeeyey qaraxaasi halaaga ahaa, haddana xog uruursi badan iyo u kuurgelid aan samaynay waxaa noo soo ifbaxday qaraxaasi in ay ka danbeeyeen xubno dowladda ku jira oo si dhiilo colaadeed ah u sameeyeen qaraxyadaasi.

Madaxda iyo saraakiisha ku jirta dowladda KMG intooda badan waxaa ka dhaxeeya dagaal hoosaadyo waxaana ugu wacan xiliyada madaxda baxayaan ama soo dagayaan oo si qarsoodi ah way ogaadaan kooxaha islaamiyiinta waxaana taas ugu wacan is jaajuusid dhanka dowladda dhexdeeda ah.
Haddaba shacabka soomaaliyeed oo 3-dii Dec.09 u ahayd maalin madow lana murugaysan qaabka qaraxaasi kana xumaadeen, waxaan u sheegeynaa qaraxaasi in aan looga danbeyn xubno ka tirsan Dowladda KMG oo si is cadaadis ah u sameeyeen, waxaana taas ugu wacan cadaymaha dowladda soo bandhigtay iyo muuqaalada laga helay qaraxaasi oo noqdeen kuwo kaaf iyo kala dheeri ah.
Fikirkaan kor kuxusan wuxuu gaar ku yahay qoraaga magaciisa kor kuxusan
|