Haddii Sheekh Xasan Daahir Aweys ku guul dareystay in uu dalka xoog kula wareego maxaa la gudboon Mustaqbalka..? {Qormo Xasaasi ah}.
Hogaamiyaha mucaaradka Ururka Xizbul Islaam Sheekh Xasan Daahir Aweys waxa uu ku guuldarstay in uu awood ciidan ku qabsado dalka Soomaaliya markii uu ka soo laabtay Magaalada Casmara oo in badan ku dhuumaalaysanayay.
Markii uu soo galay dalka Soomaaliya waxa uu heystay fursado badan oo qaarkood u horseedi lahaa in uu xilal muhim ah ka helo dowladda KMG, xaalada soomaaliyana sida hadda tahay ka roonaan lahayd.
Xasan Daahir waxa uu is tusiyey in uu yahay shaqsi beeshiisa taageero ka heli kara, Shariifka oo asal ahaan isaga soo kiciyeyna ka xoori karo kursiga laakiin riyadaasi waxay noqotay mid Riwaayad ah oo aan marna suuragelin.
Shariifka waxa uu taageero ka helay bulshada soomaaliyeed, hay’adii Culumada Soomaaliyeed, Abwaanadii iyo dad badan oo rabay marxalada dagaalada in laga gudbo, laakiin waxay arrini halowday markii ay is qabteen Ururka Al-shabaab iyo Madaxdii ka tirsanayd maxkamadihii islaamka dowladda ku biiray.
Dagaal ayaa dhex maray kaasoo sii daba dheeraaday aaqirkiina sababay in xizbul islaam laba hogaan noqdaan.
Qeybtii Sheekh Camay oo uu ka mid ahaa Indha Cadde taageeradaha ugu badana ku lahaa dhanka ciidamada Ururka xizbul islaam markii ay arkeen seefta hilaaca ururka Al-shabaab waxay maciin bideen dowladda Shariifka, waxaana midaasi dhabar jab ku noqotay Xasan Daahir oo raggaasi ku beel ahaayeen.
Haddaba sheekh Xasan Daahir Aweys waxaa la gudboon Mustaqbalka laba arrin mid kood, mida waxay tahay in uu dalka isaga baxo kana haro siyaasada, loolankana u daayo dowladda jilicsan iyo Shabaabka oo dar dar wadaan, haddii ay taas dhacdo waa laga yaabaa in uu bad baado.
Mida labaad ee la gudboon waxay tahay Xasan Daahir waxaa saran toobirka ururka Al-shabaab oo u muuqata in aysan marna deyn doonin haddii ay dowladda ka soo faraxashaan, isla markaana Cafin doonin, maxaa yeelay ciidamada Ururka Xizbul Islaam waxaa lagu tiriyaan ciidan beeleed aan anshax lahayn isla markaana ka suuroobaan in ay ku kacaan falal qaldan xukunada ay fuliyaana ku maldahaan qaab aqoonis.
Sheekha taas waxa uu uga bixi karaa in uu isku dhiibo dowladda KMG oo dhinac ka raaco kooxihii ay ku midaysnaayeen maxkamadihii islaamka, meesha ka saaro ururka Xizbul islaam.
Haddii ay dhacdo in uu dhanka dowladda kMG ku biro, waxa ay noqonayaa Ururka Xizbul Islaam kuwo u kala qeybsama shabaabka iyo dowladda tiro yar aan badnayn ayaana ku biiraya dhanka Shabaabka, dagaalada dowladda loga soo horjeedana waxay noqonaysaa mid hal waji yeelata suuragalna way noqon kartaa in labadaasi awoodood midkood meesha laga saaro waa haddii xasan daahir oo cidlo ciirsi jooga talaabooyinkaasi midkood qaataa.
Fikirkaan kor kuxusan wuxuu gaar ku yahay qoraaga magaciisa kor kuxusan