BARGAAN

Bargaan.Mar walba.Meel kasta
 

 

Magaalada Muqdisho oo wali ay ka holcayaan dagaalo iyo duqeymo dhiig shacab ku hoobanaya.

Muqdisho.BM.Shacabka Magaalada Muqdisho waxay quus ka gaareen joojinta dagaalada iyo duqeymaha ka holcaya qeybo ka mid ah degmooyinka Gobolka Banaadir oo ay isku herdinayaan Alshabaab, Xizbul Islaam iyo Dowladda KMG ee Soomaaliya.

Dagaalada ka holcaya Magaalada Muqdisho waxay dhaliyeen Dhimashada iyo Dhaawaca dad badan oo rayid ah, dadkaasi oo ay haleeshay rasaasta iyo madaafiicda aan kala sooca lahayn oo ay is dhaafsanayaan dhinacayda iska soo horjeeda.

Oday Muxudiin oo ka mid ah waxgaradka Gobolka Banaadir ayaa u sheegay warbaahinta in maalin kasta dagaalada holca Magaalada Muqdisho in ay sababaan qubashada dhiiga shacabka Magaalada Muqdisho.

Ugu danbeyntii lama ogaan karo xaalada Magaalada Muqdisho oo dagaaladii ugu xumaa ka holcayaan sida uu ku danbayn doono, waxayna dad badan is weydiinayaan dagaalada Muqdisho in ay sidan u sii socon doonaan iyo in is badal laga gaari doono.

Xafiiska bargaan.com ee Magaalada Muqdisho.

contactbargaan@yahoo.ca

- - - EMAIL:
© Copyright RealWeb Enterprises Ltd.all rights reserved.