BARGAAN

Bargaan.Mar walba.Meel kasta
 

 

Xildhibaan Furux “Waqtiga iyo waayaha ayaa sheegi doona midab sooca Puntland ku heyso shacabka Koonfurta..”.

Muqdisho.BM.2010.Xildhibaan Maxamad Jaamac Furux ayaa ku soo biiray codadka dadka cambaaraynaya Raafka Maamulka Puntland ku hayaan dadka ka soo jeeda Gobolkada Koonfurta Dalka Soomaaliya.

Xildhibaaka waxa uu sheegay in ay ayaan daro tahay in Shacabka Soomaaliyeed oo isku af, isku diin, isku dhaqan iyo isku dal ah in la kala saaro, laguna sameeyo midab sooc, waxa uuna ugu baaqay Maamulka Puntland in ay dib uga laabtaan go’aankaasi.

“Waqtiga iyo Waayaha ayaa sheegi doona midab sooca Puntland ku hayso Shacabka Koonfurta ka soo jeeda ee dhibaatada iyo baaba’a wehelka u noqday” ayuu si kulul u yiri Xildhibaan Maxamad Jaamac Furux oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamanka kana soo jeeda Gobolada Koonfurta ee haatan heeb sooca lagu hayo.

Ugu danbeyntii Cambaaraynta Xildhibaanka waxa ay qeyb ka noqonaysaa cambaarayn iyo qeylo dhaan siyaabooyin kala duwan uga hadleen Raafka ka socda deegaanada Maamulka Puntland

Xafiiska bargaan.com ee Magaalada Muqdisho.

contactbargaan@yahoo.ca

- - - EMAIL:
© Copyright RealWeb Enterprises Ltd.all rights reserved.