Ahlusunna Waljameeca iyo dowladda KMG oo baaritaano ka wada Muqdisho.
Muqdisho.BM.Ciidamada Ahlusunna Waljameeca iyo dowladda KMG ayaa waxay baaritaano ka wadaan qeybo ka mid ah Caasimada Magaalada Muqdisho.
Degmada Waabari oo shalay ciidamo ka tirsan dowladda KMG ee soomaaliya qarax loogu geystay waxaa saaka ka socda baaritaano ay wadaan Ciidamada dowladda KMG ee Soomaaliya.
Ciidamada waxay joojiyeen dhaqdhaqaaqa dadka rayidka ah, iyagoona amaraya dadka wadooyinka maraya in ay hakiyaan dhaqdhaqaaqa ganacsiga iyo goobaha waxbarashada.
Lama oga ciidamada dowladda KMG howlgalka saaka ka wadaan Degmada waabari oo ka mid ah degmooyinka ugu badan ee qaraxyada loogu dhigo Ciidamada dowladda KMG ee soomaaliya.
Dhanka kale Ciidamada ahlusunna waljameeca waxay howlgalo baaritaano ah ka wadaan Wadada Dabka ee Magaalada Muqdisho halkaasi oo fariisin ku leeyihiin Ciidamadaasi.
Sidoo kale ma jiraan wax ay ku soo qabqabteen howlgalada Ciidamada Ahlusunna Waljameeca ka wadaan wadada dabka oo ay ku baarayaan gaadiidka BL-ka iyo kuwa yar yarka ah
Xafiiska bargaan.com ee Magaalada Muqdisho.
contactbargaan@yahoo.ca

|