BARGAAN

Bargaan.Mar walba.Meel kasta
 

 

 Puntland oo ciidamo howlgalo ka fuliya Deegaanka Galgala u dirta.

Muqdisho.BM.Ciidamo ku hubaysan ilaa 10 gaari oo nooca dagaalka ah ayaa xalay gudaha u galay Deegaanka Buuralayda Gal-gala halkaasi si ay uga fuliyaan howlgalo ka dhan ah Amanka.

Buurahaasi oo mudooyinkan la hadal hayay in ay ku dhuumaalaysanayaan ciidamo ka tirsan Xoogaga Alshabaab ee ka dagalama Koonfurta soomaaliya si ay uga dhigtaan buuraha Toora-booraha Afgaanistaan oo kale haddii ay ku soo fashilmaan qorshe alshabaab ku doonayso in ay dowladd islaami ah uga dhawaaqdo guud ahaan dalka soomaaliya.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay ka cabsi qabaan dagaalo deegaankaasi ku dhex maro ciidamada amaanka iyo ciidamada xoogaga hubaysan ee isku abaabulaya buurahaasi.

Maamulka Puntland hogaankeeda ayaa sheegay in ay ka warheleen ciidamo fara badan oo Calanka Alshabaab ka surtay buurahaasi, isla markaana dagaalo culus la galayaan inta aysan ku xoogaysan buurahaasi kadibna ugu soo fidin deegaanada Maamulka Puntland oo la rumaysan yahay in ay qul qulatooyinka kooxaha islaamiyiinta ku jihaysan yihiin haddii ay ku guuleystaan dagaalada Koonfurta Dalka Soomaaliya.

Xafiiska bargaan.com ee Magaalada Muqdisho.

contactbargaan@yahoo.ca

- - - EMAIL:
© Copyright RealWeb Enterprises Ltd.all rights reserved.