Howlgalo ka socda Magaalada Boosaaso kadib Askar lagu dilay kuwo kalena lagu dhaawacay.
Muqdisho.BM.Ciidamada Booliska Magaalada Boosaaso ee Maamulka Puntland ayaa saaka magaaladaasi ka wada baaritaano ay ku raadinayaan kooxihii ka danbeeyey dil iyo dhaawac xalay Magaaladaasi loogu geystay Askar ka tirsan Ciidamada Waaxda Canshuuraha.
Howlgaladan ayaa saaka waxay ka socdaan xaafadaha kala duwan Magaalada Boosaaso ee Maamulka Puntland si ay ciidamada u soo qabtaan kooxahaasi falalka dilalka iyo dhaawaca ka fuliyey habeenimadii xalay Magaalada Boosaaso ee Maamulka Puntland.
Dhalinyaro badan oo deegaanka ah ayaa loo qabtay falkii dilalka iyo dhaawaca xalay loo geystay ciidamada Waaxda Canshuuraha Maamulkaasi xili ay ku sugnaayeen bartamaha Magaalada Boosaaso ee Maamulkaasi.
Howlgaladan lagu baadigoobayo kooxaha dambiilayaasha ah waxay ku soo beegmayaan xili Maamulka isku magacaabay Puntland deegaanadooda ka musaafuriyeen dadka ka soo jeeda Gobolada Koonfurta oo ay sheegeen inay amaanka qalqal gelinayeen, walina qaraxyada iyo dilalka waa kuwo sii socdaan.
Xafiiska bargaan.com ee Magaalada Muqdisho.
contactbargaan@yahoo.ca

|