BARGAAN

Bargaan.Mar walba.Meel kasta
 

 

Al-shabaab oo jawaab ka bixisay eedeyn uga timid C/raxmaan Faroole.

Muqdisho.BM.Ururka Alshabaab ayaa jawaab ka bixisay eedeyn uga timid hogaamiyaha Maamulka la magac baxay Puntland C/raxmaan Faroole eedeyntaasi oo ahayd in Alshabaab ka mid yihiin dagaalada ka socda Deegaanada Galgala iyo Karin ee Gobolada Bari iyo Sanaag ee maamulkasi.

Afhayeenka Alshabaab Sheekh Cali Dheere oo shir jaraa’id kaga waramay dagaaladaasi ayaa sheegay dagaaladu in ay ahaayeen kuwo u dhaxeeyey dad shacab ah oo la weeraray iyo Ciidamada Puntland, Ururka Alshabaabna dagaaladaasi ka qeyb gelin.

Sidoo kale Afhayeenka Alshabaab Sheekh Cali Dheere ayaa sheegay dadka deegaanada Karin iyo Galgala in ay sameeyeen iska caabin ay uga hortageen dagaalo maamulka ku soo qaadeen, markii ay iska caabiyeena maamulka Puntland marmarsiyo ka dhigtay dagaalada in ay ku jireen Alshabaab.

Ugu danbeyntii maamulka Puntland ayaa ku eedeeyeen Alshabaab dagaaladii galgala iyo Karin in ay qeyb ka ahaayeen, Beesha Caalamka iyo dalalka dariskana ka codsadeen in laga caawiyo la dagalaanka wax loogu yeero Argagixisada Caalamiga ah ee Soomaaliya.

Xafiiska bargaan.com ee Magaalada Muqdisho.

contactbargaan@yahoo.ca

- - - EMAIL:
© Copyright RealWeb Enterprises Ltd.all rights reserved.