BARGAAN

Bargaan.Mar walba.Meel kasta
 

 

 Al-shabaab oo u goodisay Safaaradaha dalalka Ugandha iyo Burundi.

Muqdisho.BM.Sargaal ka tirsan xarakada Alshabaab ayaa digniin adag u dirtay Safaaradaha Dawladaha Ugandha & Burundi ay ku leeyihiin Wadamada Caalamka gaar ahaan kuwa ay gacantoodu gaarto,waxaana Alshabaab ay sheegeen in Weeraro adag lagu qaadi doono Meel kasta oo ay Safaarahaasi ku yaalaan oo suurtagal ah.

Afhayeen sare oo u hadlay Dhaqdhaqaaqa Alshabaab islamarkaasna warkiisa la mariyey midkamid ah Bogaga Ay Islaamiyiintu aadka u adeegsadaan ayaa sheegey warkan,waxaana uu sheegeey in Weeraradani ay noqon doonaan kuwo si joogta ah u dhaca islamarkaasna ay waxbadan gaarsiin doonaan Dublamaasiyiinta ka shaqeysa Safaaradahan.

Afhayeenkani wuxuu sidoo kale sheegey in Ururkoodu uu si aad udaran ula dagaalmi doono Dhamaan cidkasta oo ciidamo dalka Soomaaliya usoo dirta,waxaana uu digniin daran u diray Wadamadii dhawaan ciidamada ku yaboohay kuwaas oo uu sheegey in ay ka digtoonaadaan usoo dirista Ciidamo Soomaaliya hadii aysan ka noqona ay Talaabo adag ka qaadi doonaan.

Dhanka kale Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ayaa dagaal geystay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac waxaa ay kula wareegeen degmada Yeed ee gobolka Bakool, Dagaalkaani oo ka dhacay degmada Yeed ee gobolk Bakool ayaa waxaa ay uu u dhaxeeyay Ciidamo ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya gaar ahaan kuwii taabacsanaa Maamuladii hore ee dowladda ee gobolada Bay iyo Bakool iyo ciidamo ka tirsan Al Shabaab, waxaana ka dhashay qasaare xoogan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Inta la ogyahay dagaaladaasi waxaa ku nafwaayay in ka badan 3 ruux oo la sheegay in ay yihiin dhamaantood dhinacyadii ku dagaalamay degmada Yeed oo ku taala xadka gobolka Bakool uu la wadaago dalkaItoobiya iyadoona ay jiraan qasaare dhaawacyo leh oo soo gaaray dhinacyadii hardamay iyo dadka deegaanka.

Dagaalka oo socday mudo dhowr saacadood ah ayaa waxaa la sheegay in markii dambe gacan ku heynta degmadaasi ay la wareegeen ciidamo ka tirsan Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab oo iyagu markii hore weerar ku soo qaaday degmada Yeed oo fariisin ay ku lahaayeen ciidamada dowladda KMG Soomaaliya walow ciidamada dowladda ee halkaasi laga saaray ay joogaan duleedyada degmada laga qabsaday.

Afhayeenka ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab Cabdi Casiis Abuu Muscab oo dagaaladaasi ka hadlayay ayaa guulo ka sheegtay dagaalada degmada Yeed ee gobolka Bakool ay kula galeen ciidamada dowladda KMG Soomaaliya isagoo sheegay inay halkaasi kula wareegeen gaari nuuca cabdi bilaha ah oo ay lahaayeen ciidamadii dowladda ee halkaasi laga saaray sida uu hadalka u dhigay.

Inkastoo xaalad deganaasho ah iminka ay ka jirto degmada Yeed ayaa hadana waxaa jira dhaq dhaqaaqyo xoogan oo duleedyada degmadaasi ay ka wadaan saraakiil iyo ciidamo taabacsan Maamuladii dowladda KMG ee ka arimi jirey gobolada Bay iyo Bakool kuwaasi oo iminka ku sugan degmooyinka Ceelbarde iyo Doolow ee gobolada Gedo iyo Bay,waxaana dadka deegaanka ay kuu sheegayaan ineey macquul tahay mar walba dagaal rogaal celin ah uu ka dhici karo Degmada Yeed ee Gobolka Baay.

Xafiiska bargaan.com ee Magaalada Muqdisho.

contactbargaan@yahoo.ca

- - - EMAIL:
© Copyright RealWeb Enterprises Ltd.all rights reserved.