BARGAAN

Bargaan.Mar walba.Meel kasta
 

 

Qarax qasaare kala duwan ka soo gaaray dad shacab ah oo xalay lagu weeraray Askar ka tirsan Dowladda KMG.

Muqdisho.BM.Kooxo hubaysan ayaa xalay qaraxyo bambooyinka gacmaha laga tuur ku weerareen Saldhig Galbeed Degmada Dharkenley ee Magaalada Muqdisho, waxaana ka dhashay weerarada qaraxyadaasi qasaarooyin soo gaaray dad shicib ah.

Afar qof oo ka agdhawayd saldhiga qaraxa lagu weeraray ayaa ku dhaawacmeen rasaas culus oo ay fureen Ciidamada dowladda KMG ee Soomaaliya ee fariisinka ku leh Saldhigaasi.

Qaraxyada kadib waxaa wadooyinka xaafadahaasi lagu arkay ciidamo aad u fara badan oo baaritaano kula dhaqaaqeen dadka rayidka ah ee ku sugan degmada Dharkenley ee Magaalada Muqdisho.

Maamulka Degmada Dharkenley ee Magaalada Muqdisho oo saxaafada la hadleen ayaa waxay ku eedeyeen mas’uuliyada qaraxyadii xalay lagu weeraray Ciidamada dowladda KMG in ay mas’uul ka yihiin dhinacyada hubaysan.

Ugu danbeyntii qaraxyada waxay qeyb ka noqonayaan qaraxyo sil silad ah oo xiliyada habeenkii ah lagu weeraro Ciidamada dowladda KMG degmooyinka ay ka joogaan Magaalada Muqdisho.

Xafiiska bargaan.com ee Magaalada Muqdisho.

contactbargaan@yahoo.ca

 

- - - EMAIL:
© Copyright RealWeb Enterprises Ltd.all rights reserved.