BARGAAN

Bargaan.Mar walba.Meel kasta
 

 

Fadhiga Baarlamanka ee Kalsooniweydiisashada  Xukuumada KMG oo dib u dhacay.

Muqdisho.BM.Xukuumada KMG ee Soomaaliya ayaa la filayay in saaka ay hortagto Baarlamanka KMG ee Soomaaliya si kalsooni uga hesho Mudanayaasha Baarlamanka oo isku qilaafsan xukuumada cusub ee Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke.

Xarunta golaha Shacabka oo maanta oo Axad ah qorshuhu ahaa in ay ku kulmaan Baarlamanka KMG iyo Xukuumada uu hogaamiyo Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa u baaqday codsi ay jeediyeen Xildhibaanada Baarlamanka oo ah in dib loo dhigo kullanka maanta arrimo jiro awged.

In kastoo xildhibaanada qaarkood ah qabeen kullanka maanta inuu dhaco ayaa haddan dib loo dhigay maalinta bari oo Isniin ah in ay kullankaasi yeeshaan Baarlamanka isla markaana Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiiradiisa cusub soo horfadhiistaan Baarlamanka si ah Kalsooni u weydiistaan.

Ugu danbeyntii waxaan shaki lahayn in maalinta barito ah dood kulul dhex mari doonto Baarlamanka KMG iyo Xukuumada Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke taasoo ku salaysan kalsoonisiinta Xukuumada oo qilaaf hoose ka jiro.

Xafiiska bargaan.com ee Magaalada Muqdisho.

contactbargaan@yahoo.ca

 

- - - EMAIL:
© Copyright RealWeb Enterprises Ltd.all rights reserved.