Saraakiisha Ciidamada dowladda KMG Gobolka Bakool oo eedeyn u jeediyeen Madaxda dowladda KMG.
Muqdisho.BM.Sarkaal ka tirsan Ciidamada dowladda KMG Gobolka Bakool ayaa ku eedeeyey Madaxda dowladda KMG ee Soomaaliya in ay ka gaabiyeen in ay saanad militari siiyaan Ciidamada dowladda KMG ee jooga Bakool qeybo ka mid ah.
Maxamad Macalin axmed oo ah Sarkaal ka mid ah Saraakiisha Hogaaminaysa Ciidamada dowladda KMG oo maalin ka hor dagaalo la galeen alshabaab ayaa sheegay in ay adag tahay ka qeyb galka dagaalada haddii aysan heysan taakuleyn Militari iyo mid dhaqaale.
“Madaxda dowladda waxay ka gaabiyeen in ay Saanad militari noo soo diraan, way adag tahay haddii aanan helin taakuleyntii aan uga fadhinay mas’uuliyiinta dowladda KMG in aan dib u xorayno gobolka Bakool iyo Bay” ayuu yiri Maxamad Macalin axmed oo saxaafada la hadlay isagoo ku sugan degmada Yeed ee Gobolka Bakool.
Ugu danbeyntii Madaxda dowladda KMG inta badan kama warheyso dhaqdhaqaaqyada Ciidamada dowladda KMG ka wadaan Gobolada Hiiraan, Bakool, Jubooyinka iyo Gedo, waana arrinta ugu culus oo ay dowladda KMG ku hana la’dahay in ay dib ula wareegto goboladaasi maadaama aysan jirin isku xirka ciidamada dowladda KMG iyo madaxda dowladda KMG ee Soomaaliya.
Xafiiska bargaan.com ee Magaalada Muqdisho.
contactbargaan@yahoo.ca

|