Maamulka Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Maamulka Puntland oo sheegay in ay soo qabanayaan dadkii shalay dhaca iyo dilalka ka geystay Shirkada Qaran.
Muqdisho.BM.Maamulka Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in ay soo qabanayaan sharcigana horkeenayaan Kooxihii shalay dilka iyo dhaca u geystay Shirkada Qaran ee Waqooyiga Magaaladaasi.
Guddoomiyaha Gobolka mudug Maamulka Puntland ayaa sheegay in ay jiraan baaritaano adag oo ay wadaan Ciidamada Amaanka taasoo ay ku doonayaan in ay ku soo qabtaan kooxihii shalay dharaarta cad dhaca iyo dilka isugu daray Shirkadaasi.
Sidoo kale Maamulka Puntland dhacdadii shalay ka dhacday Koonfurta waxay ku eedeeyeen in laga soo agaasimay dhanka Koonfurta oo uu ka jiro maamulka ay dariska yihiin ee Galmudug.
Ugu danbeyntii lama oga in maamulkaasi ku guulaysan doono soo qabashada kooxahaasi dilalka iyo dhaca ka geystay shalay shirkada Xawaalada Qaran Ee Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo Maamulka Puntland.
Xafiiska bargaan.com ee Magaalada Muqdisho.
contactbargaan@yahoo.ca

|