C/raxmaan Faroole “Al-shabaab waa Dad qalato dhiigyacab ah Waxaana igu madal ah in..”
Muqdisho.BM.Madaxweynaha Maamulka isku magacaabay Puntland C/raxmaan Faroole ayaa mar kale saxaafada ku weeraray Ururka Alshabaab oo uu sheegay in ay yihiin koox dad qalato ah, qatarna ku ah Soomaaliya iyo Caalamka
C/raxmaan Faroole oo hadal dheer ka jeediyey Munaasabad lagu xusayay sanad guuradii 12 aad ee Maamulka Puntland ayaa sheegay Maamulka Puntland inuu Qatar ugu jiro Ururka Alshabaab oo uu sheegay in ay wakiil ahaan gobolada Puntland u soo dirsadeen Maxamad Siciid Atam
“Alshabaab waa Dad qalato Dhiigyacab ah waxaana ugu madal ah in aan dagaal culus la galo kana sifeeyo deegaanada Maamulka Puntland” ayuu yiri C/raxmaan Faroole oo sheegay dadka mas’uuliyiinta maamulkiisa ah ee lagu dilay Puntland in ay ka danbeeyeen Alshabaab oo dadka barakacayaasha ah ku soo dhex dhuuntay
Sidoo kale Madaxweynaha Maamulka isku magacaabay Puntland ayaa soo hadal qaaday si tusaale ahaan ah qaraxyadii Kampala ka fuliyeen Alshabaab inuu astaan u yahay in ay caalamka oo dhan Qatar ku yihiin jiritaanka Alshabaab, loona baahan yahay in la iska kaashado sidii looga cirib tiri lahaa Koonfurta Soomaaliya iyo gobolada kale ee deegaanada Puntland.
Ugu danbeyntii wixii ka danbeeyey dagaaladii culsaa ee dhex maray Puntland iyo Maxamad Siciid Atam waxa uu wadaa C/raxmaan Faroole weeraro afka ah oo uu ku qaadayo Alshabaab, ururkaasi uu u arko in ay caqabad ku noqon karto jiritaanka maamulkiisa.
Xafiiska bargaan.com ee Magaalada Muqdisho.
contactbargaan@yahoo.ca

|