HAMABLYO GUUSHA ORADYAHAN-MAXAMED FAARAX

Muqdisho.BM.Hambalyo guusha oradyahanka Somaaliyeed Maxamed Faarax oo si weyn ugu guuleeysteey labadii orad ee 10.000 iyo 5.000 tartankii ciyaaraha fuduud
ee Qaaradda Yurub kana socdeey Magaaladda Barcalona,waa guul taariikhi ah
waana markii ugu horeyey oo sidaas oo kale wuu ugu guuleeysto oradyahan ka
Socdeey Dalkan UK mudadii dheerad ee tartankaasu soo jiray.
Mo.Faraax waa oradyahan leh farsamo sarre,adkeeysi iyo xeelad u
gaar ah oo wuu ku garan karaayo waqti ku haboon iyo habka la gaan qaadida
oradka oo ah mid dheere howl badan leh,daalad iyo tacab badan lagala kulmo
laakiin Mohamed Yare tababar badan iyo dadaal kadib eey u suurta gashay in
noqdo xidigga masaafadaas 10.000 iyo 5.000 Mitter oo aanu jiriin oradyahan
Qaaradda Yurub ah oo ku heeysta ama xiligan ku soo dhoow,waana arrin si
weyn loogu farxo,Moxamed Faarax inkastoo ku ordo magac UK oo dalka wuu
heeysto dhalashadiisa kuna dhaqan yahay,hadana asal ahaan waa Soomaali oo
si gaar ah uga mudan Jaaliyada Somaliyeed ee Dalkan UK ku dhaqan Taageero
buuxdda iyo ku farxidda guushiisaba.
Hadaba anigoo ah Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab)kana mid ah Jaaliyadda UK
ee Somaaliyeed iyo bahdda qorayaasha Somaaliyeed si joogto ahna u taageerra
una soo dhoweeya guud ahaan wax-qabadka,guulaha iyo arrimaha Samaanta iyo
Wanaaga faa'iido leh Ummadda,waxaan halkan Amaan,bogaan iyo Hambalyo
diiran uga soo gudbinaayaa halyeey-Oradyahan Maxamed Faarax guusha weyn
oo dhaxal galka ah,taariikhiga ah ee wuu ka soo hooyeey tartanka ciyaaraha oradka
Qaadadan Yurub Sanadkan 2010,anigoo u rajeeynaaya kuwo ka waaweyn gaaro oo
ah Reer Caalami iyo reer Olambikadda ahba-Guuleeyso Weligaa Moaxamed Faarax.
-Hambalyo-
-Qorre-Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab)-
-Englanad-UK- 01/08/2010-
-sharifhassan50@hotmail.co.uk-
Xafiiska bargaan.com ee Magaalada Muqdisho.
contactbargaan@yahoo.ca

|