BARGAAN

Bargaan.Mar walba.Meel kasta
 

 

Qilaafka Saddexda mas’uul ugu saraysa dowladda KMG oo soo laba kacleeyey.

Muqdisho.BM.Ilo wareed lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in uu laba kacleeyey khilaaf u dhaxeeya Saddexda Mas’uul ee ugu saraysay dowladda tabarta yar ee uu hogaamiyo Sahriif Sheekh Axmed.

Wararka laga helayo Madaxtooyada Villa Somalia ayaa sheegaya Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed, Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke iyo Guddoomiyaha Baarlamanka Shariif Xasan Sheekh  Aadan khilaaf ku saabsan Xukuumada in ay hortagto Baarlamanka KMG ee Soomaaliya si kalsooni u weydiisato, laakiin Cumar C/rashiid ka dhaga adaygay in Xukuumadiisu hortagto baarlamanka.

Shariif Xasan Sheekh Aadan oo kullanka ka qeyb galay isla markaana la safnaa ra’iisul Wasaaraha Xukuumada KMG ee Soomaaliya oo ku adkeystay Xukuumadiisu in  ay tahay mid isku shaandheyn kaliya lagu sameeyey, hase yeeshee aysan ahayn xukuumad cusub oo Baarlamanka la horgeynayo.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo koox xildhibaano ah oo taageersan ka dalbadeen Xukuumada in ay hortimaado Baarlamanka ayaa dhalisay xiisada ka dhex taagan Saddexda Mas’uul ee ugu saraysay.

Qilaafkan oo ah mid aan wali soo shaac bixin ayaa waxaa laga cabsi qabaa in ay sababato qilaaf mas’uuliyiintaasi mid iska hormeena howlahoodana dib u dhac u keeni kara, maadaama dhowr jeer ooh ore qilaaf culus oo beesha Caalamka ku soo baxeen soo kala dhex galeen.

Ugu danbeyntii Baarlamanka KMG ayaa ku adkeysanayaan in la horkeeno Xukuumada KMG ee Soomaaliya, iyadoo arrinta Baarlamanka dhaxdiisana qilaaf dhaliyey, lamana oga mustaqbalka Xukuumada Sharmaarke iyo qilaafka Saddexda Mas’uul ee ugu saraysa dowladda KMG ee Soomaaliya.

Xafiiska bargaan.com ee Magaalada Muqdisho.

contactbargaan@yahoo.ca

- - - EMAIL:
© Copyright RealWeb Enterprises Ltd.all rights reserved.