Dalxa “Xukuumada iyo Shacabka uma dul qaadan doonaan Qaraxyada ka dhaca Muqdisho..”.
Muqdisho.BM.Wasiirka Dhaqan Celinta iyo Arrimaha Bulshada Prof: Maxamad Cumar Dalxa ayaa sheegay in aysan u dul qaadan doonin Xukuumada kMG Qaraxyada iyo dilalka ka dhanka ah Madaxda dowladda KMG iyo Ciidamada dowladda loo dhigo wadooyinka Muqdisho.
Dalxa ayaa ugu baqay shacabka Soomaaliyeed in ay kala shaqeeyaan Ciidamada Amaanka sidii loo soo celin lahaa Bilicda Muqdisho iyo Amaankii barisamaadkii, isagoona ku eedeeyey dhinacyada ka soo horjeeda Dowladda KMG in ay mas’uul ka yihiin Qaraxyada iyo dilalka ka dhaca degmooynka dowladda KMG ay maamusho.
“Xukuumada iyo Shacabka uma dul qaadan doonaan Qaraxyada ka dhaca Muqdisho..” ayuu yiri Prof: Maxamad Cumar Dalxa oo ah Wasiirka Dhaqan Celinta iyo Arrimaha Bulshada Xumuumada KMG ee Soomaaliya.
Ugu danbeyntii dowladda KMG horay waxay u sheegeen in aysan u dul qaadan doonin amaan darida Muqdisho, mana jiraan wax ay ka qabtaan Amaanka Muqdisho.
Xafiiska bargaan.com ee Magaalada Muqdisho.
contactbargaan@yahoo.ca

|