Shan qof ayaa ku dhimatay tiro ka badana waa ay ku dhaawacmeen shil gaari oo xalay ka dhacay Duleedka Garoowe.
Muqdisho.BM.Gaari Xamuul ah oo ku sii jeeday Magaalada Garoowe ee Maamulka isku magacaabay Puntland ayaa rogmaday waxaana ka dhashay rogmashada gaarigaasi Qasaarooyin Dhimasho iyo Dhaawac.
Shan qof oo ka mid ahayd dadkii la socday gaarigaasi Xamuulka ayaa ku nafwaayeen shilkaasi gaari, sidoo kale 7 ku dhawaad waxaa soo gaaray dhawacyo kala duwan, waxaana dhaawacyada dadkaasi la dhigay isbitaalka Magaalada Garoowe.
Qof ka mid ah rakaabkii gaariga oo dhaawac fudud qaba ayaa u sheegay Warbaahinta shilka inuu yimid kadib wadada oo burbur lixaad leh ka jira iyo wadaha gaariga oo si xawaari xoogan ah ku waday.
Maamulka isku magacaabay Puntland waxba kama qabtaan burburka lixaadka leh ee ka jira deegaanada maamulkaasi, wadada isku xirta Garoowe iyo Boosaasana waxay ka mid yihiin wadooyinka ugu qatarta shilalka badan.
Xafiiska bargaan.com ee Magaalada Muqdisho.
contactbargaan@yahoo.ca

|