BARGAAN

Bargaan.Mar walba.Meel kasta
 

 

Kullan looga hadlayo Amaanka Degmooyinka Gobolka Galgaduud ee Maamulka Maleeshiyaadka Ahlusunna Waljameeca oo lagu qabtay Dhuuso Mareeb.

Muqdisho.BM.Maamulka Maleeshiyaadka Ahlusunna Waljameeca magaalada Dhuuso mareeb iyo waxgaradka Magaaladaasi ayaa kullan looga hadlayo Amaanka ku yeeshen Magaaladaasi.

Guddoomiyaha Magaalada Dhuuso Mareeb Maleeshiyaadka Ahlusunna Waljameeca Sheekh C/raxmaan Cali oo kullanka kadib la hadlay saxaafada ayaa sheegay kullanka inuu ahaa mid amaanka ah, isla markaana intii uu socday ku dhammaaday jawi wanaagsan oo is faham ah.

Guddoomiyaha waxa uu ugu baaqay shacabka Magaalada Dhuuso Mareeb iyo Degmooyinka kale gobolka Galgaduud in ay ka shaqeeyaan Amaanka kana hortagaan falalka amaanka ka soo horjeeda.

Ugu danbeyntii ma ahan markii ugu horaysay Maleeshiyaadka Ahlusunna Waljameeca kullan noocaan ah ku yeeshaan Magaalada Dhuuso Mareeb ee Gobolka Galgaduud Bartamaha Dalka Soomaaliya.

Xafiiska bargaan.com ee Magaalada Muqdisho.

contactbargaan@yahoo.ca

- - - EMAIL:
© Copyright RealWeb Enterprises Ltd.all rights reserved.