BARGAAN

Bargaan.Mar walba.Meel kasta
 

 

Xukuumada Burundi oo sheegtay inay ka fiirsanayso ciidamo dheeraad ah oo  ay Muqdisho u soo dirto.

Muqdisho.BM.Xukuumada Burundi oo ciidamo nabad sugid AMISOM ah ka joogaan Magaalada Muqdisho ayaa sheegeen in ay ka fiirsanayaan Ciidamo kale oo ay ku biirayaan Ciidamada ka jooga Muqdisho.

Afhayeenka Ciidamada Xukuumada Burundi ayaa sheegay in ay suuragal tahay ciidamo dheeraad ah in ay u dirayaan dalka Soomaaliya, laakiin hadda qorshaha ugu jrin in ay kordhiyaan Ciidamadooda jooga Muqdisho.

Xukuumada Burundi waxay sheegtay inuu jiro dalab uga yimid Midowga afrika oo ah in ay tiro dheeraad ah u diraan Soomaaliya, laakiin Xukuumada ka fiirsanayso go’aan ka qaadashada Ciidamo kale oo ay ku biirayaan kuwa ka jooga Muqdisho.

Ugu danbeyntii dowladda Burundi waxay ka mid tahay dalalka Afrika ugu saboolsan, haddana ciidamo badan ka joogaan Soomaaliya, waxaana shaki lahayn Ciidamadaasi in ay ku helaan dhaqaale fara badan, xili wax qabad muuqda aysan ka samayn Muqdisho, marka laga reebo madaafiic ay ka dhacaan dadka shacabka ah.

Xafiiska bargaan.com ee Magaalada Muqdisho.

contactbargaan@yahoo.ca

- - - EMAIL:
© Copyright RealWeb Enterprises Ltd.all rights reserved.