BARGAAN

Bargaan.Mar walba.Meel kasta
 

 

Madaafiic lagu garaacay suuqa Bakaaraha oo qasaare fara badan ka dhashay.

Muqdisho.BM.Ciidamada AMISOM madaafiic ay xalay ku garaaceen qeybo ka mid ah Caasimada Magaalada Muqdisho ayaa dhaliyey in ay ku dhintaan dad kor u dhaafaya 10 qof iyo dhaawaca 25 kale.

Qasaaraha ugu badan ee ka dhashay madaafiicdii xalay lagu garaacay suuqa Bakaaraha iyo goobaha kale waxay ka dhasheen meel aan sidaa uga fogayn shirkada Amal Express Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.

Saraakiisha gaadiidka gurmadka deg dega ah ayaa sheegay madaafiicdii xalay in ay ahaayeen kuwii ugu qasaaraha badnaa ee ka dhaca suuqa Bakaaraha bilihii ugu danbeeyey.

Dhaawacyada dadka shacabka ah waxaa la dhigay isbitaalada Madiina iyo Deyniile oo ka mid ah goobaha ugu badan ee la gaarsiiyo dhaawacyada ka dhasha dagaalada iyo duqeymaha arxan darada ah ee ka socda Caasimada Magaalada Muqdisho.

Ugu danbeyntii dowladda KMG iyo xoogaga hubaysan kama hadlin duqeymihii dadka badan ku la’deen ee xalay ka dhacay suuqa Bakaaraha iyo xaafadaha degmooyinka Waqooyiga Magaalada Muqdisho.

Xafiiska bargaan.com ee Magaalada Muqdisho.

contactbargaan@yahoo.ca

- - - EMAIL:
© Copyright RealWeb Enterprises Ltd.all rights reserved.