BARGAAN

Bargaan.Mar walba.Meel kasta
 

 

Maamulkii hore dowladda KMG oo ay garbinayaan ciidamo Itoobiyaan ah oo ku wajahan Magaalada Balad-weyne.

Muqdisho.BM.Warar Xog ogaal ah laguna kalsoonaan karo oo aan ka helnay  Fiir fiir ayaa sheegaya in ay halkasi ka socdaan abaabul ciidan midkii ugu xooganaa abid ay sameeyaan Ciidamada dowladda KMG ee Soomaaliya si ay ula wareegaan guud ahaan gobolka Hiiraan.

Sarkaal ka mid ah Ciidamada dowladda KMG gobolka Hiiraan ayaa noo sheegay Ciidamada Itoobiya in ay qeyb weyn ka tahay diyaar garowga dagaal dowladda KMg ku doonayso in ay kula wareegto guud ahaan Gobolka Hiiraan.

Ciidamadan oo tababar ku soo dhamaystay dalka Itoobiya waxay dhawaan soo gaareen Isgoyska Kalabeyrka balse dib ugu laabten Fiir fiir si ay wada tashi buuxa u yeeshaan Saraakiisha Hogaaminaysa dagaalkaasi, Saraakiisha Itoobiyaanka, Madaxda dowladda KMG iyo Ciidamada dagaaladaasi ka qeyb galaya.

Lama oga waqtiga u qorsheysan dagaaladaasi, balse wararka ka soo baxaya Fiir fiir oo aan helnay ayaa sheegaya duulaanka dagaaladaasi in ay yihiin kuwo ka duwan kuwii hore oo marar badan dowladda KMG guul daro kala kulantay xoogaga hubaysan.

Xafiiska bargaan.com ee Magaalada Muqdisho.

contactbargaan@yahoo.ca

- - - EMAIL:
© Copyright RealWeb Enterprises Ltd.all rights reserved.