BARGAAN

Bargaan.Mar walba.Meel kasta
 

 

Koonfur Magaalada Gaalkacyo oo laga helay Meydka qof rayid ah.

Muqdisho.BM.Wararka naga  soo gaaraya Koonfurt Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in halkaasi laga helay meydka qof dhalinyaro ah oo aan la garanayn.

Dadka deegaanka ayaa sheegay saaka in ay arkeen meydka nin da’diisa lagu qiyaasay 20 ilaa 25 jir kasoo ay ka muuqatay rasaas loo adeegsaday dilkiisa, waxaana markii danbe goobta soo gaareen Ciidamada Amaanka Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyada dilka loo geystay meydka qofkaasi dhalinyarada ah ee laga helay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Maamulka isku magacaabay Puntland.

Ugu danbeyntii meydkan Ninkaasi dhalinyarada ah ee saaka laga helay waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ayaa ku soo beegmaya xili maalmo ka hor kooxo dabley ah dhac iyo dil ka geysteen Xawaalada Qaran Express.

Xafiiska bargaan.com ee Magaalada Muqdisho.

contactbargaan@yahoo.ca

- - - EMAIL:
© Copyright RealWeb Enterprises Ltd.all rights reserved.