Xukuumada KMG oo maanta kalsooni weydiisanaysa Baarlamanka KMG ee soomaaliya.
Muqdisho.BM.Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke oo marar badan ka meer meeriyey inuu hor tago Baarlamanka KMG ee soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah isaga iyo golayaasha Wasiiradiisa u horfariisayaan Baarlamanka KMG ee Soomaaliya.
Wararka ka imaanaya Madaxtooyada Villa Somalia ayaa sheegaya Ra’iisul Wasaaraha Dowladda KMG ee Soomaaliya Cumar C/rashiid iyo Golayaasha Wasiiradiisa horfariisanayaan Baarlamanka KMG ee soomaaliya.
Xildhibaanada Baarlamanka KMG ee soomaaliya waxay ku kala qeybsameen in xukuumada hortimaado Baarlamanka si kalsooni loo siiyo ama u weyso Kalsoonida Baarlamanka maadaama xukuumada marar badan lagu eedeeyey wax qabad la’aan.
Amaanka Xarunta Golaha Shacabka si weyn ayaa loo adkeyey si aysan rabshado uga dhicin xarunta Golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho.
Xafiiska bargaan.com ee Magaalada Muqdisho.
contactbargaan@yahoo.ca

|