BARGAAN

Bargaan.Mar walba.Meel kasta
 

 

AMISOM oo gaari rakaab ah ku rasaaseeyey Muqdisho.

Muqdisho.BM.Ciidamada Midowga Afrika ayaa gaari rakaab ah ku rasaaseeyeen caasimada Magaalada Muqdisho, xili gaarigaasi ku soo jeeday Duleedka Magaalada Muqdisho.

Rasaasta gaarigaasi ku dhacday waxaa ka dhashay dhaawaca Saddex qof oo ka mid ahaayeen rakaabkii la socday gaarigaasi, waxaana la gaarsiiyey goobaha Caafimaadka Magaalada Muqdisho.

Qof ka mid ah rakaabka gaariga la rasaaseeyey ayaa sheegay in si kam ah wadihii gaariga celida uga timid gaariga, kadibna meel aan ka fogayn Kulliyada Jaale Jiyaad xili gabal dhac ah istaageen, laakiin Ciidamada Burundi oo xaalad cabsi ah soo wajahday rasaas ku fureen gaarigaasi.

Taliska Ciidamada AMISOM Magaalada Muqdisho kama waramin dhacadadii xalay Ciidamadaasi ku rasaaseeyeen gaarigaasi Rakaabka waday ee marayay Kulliyada Jalle Siyaad ee Magaalada Muqdisho.

Si  kasta ha ahaate dhacdyooyinka rasaasta ah oo ay ku furaan Ciidamada AMISOM gaadiidka BL-ka ee dadweynaha waa kuwo joogto ah marar badana ka dhaceen Caasimada Magaalada Muqdisho, halka mararka qaar gaadiidka qafalan ku burburiyaan gaadiidka yar yar.

Xafiiska bargaan.com ee Magaalada Muqdisho.

contactbargaan@yahoo.ca

- - - EMAIL:
© Copyright RealWeb Enterprises Ltd.all rights reserved.