BARGAAN

Bargaan.Mar walba.Meel kasta
 

 

Taliska Ciidamada dowladda KMG gobolada Jubooyinka oo sheegay in aysan faa’iido lahayn ciidamo AMISOM dheerad ah oo la keeno Soomaaliya.

Muqdisho.BM.Afhayeen u hadlay Taliska Ciidamada dowladda KMG Gobolada Jubooyinka magaciisana ku sheegay Xirsi Xaaji Cabdi ayaa sheegay in aysan faa’iido lahayn Ciidamo dheeraad ah oo dalka Soomaaliya la keeno, iyo sidoo kale in dalka lagu sii hayo Ciidamada AMISOM ee jooga Muqdisho.

Duulaan u qorsheysan dowladda KMG mar uu ka hadlay waxa uu sheegay in ay tababar u dhameeyeen askar fara badan oo dowladda KMG ka tirsan, waxa uuna sheegay in ay u qorsheysan tahay dagaal culus oo ay mar qur ah ku soo qaadaan Gobolada Jubooyinka si ay ula wareegaan goboladaasi.

Madaxda dowladda KMG waxa uu ugu baaqay Afhayeenka dhaqaalaha la siiyo Ciidamada AMISOM in ay ku bixiyaan Ciidamada Qaranka Soomaaliya si ay awood ugu helaan in ay u dagaalamaan qaranimada Soomaaliya, una joojiyaan gacma gacmaysiga Shacabka Soomaaliyeed.

Ugu danbeyntii Afhayeenka waxa uu soo hadal qaaday gobolada dagaaladaasi sida isku midka ah uga bilaabanayaan waxa uuna carabka ku dhuftay Bay, Bakool, Gedo, Jubooyinka iyo Hiiraan sida uu yiri, lamana oga damaca tababarta yar ee dowladda KMG ku doonayso in ay kula wareegto goboladaasi oo ay ku xoogan tahay Alshabaab.

Xafiiska bargaan.com ee Magaalada Muqdisho.

contactbargaan@yahoo.ca

- - - EMAIL:
© Copyright RealWeb Enterprises Ltd.all rights reserved.