Wararkii ugu danbeeyey Magaalada Muqdisho oo dhamaystiran.
Muqdisho.BM.Magaalada Muqdisho waa Magaalo maalin kasta laga soo tabiyo dhacdooyinka ugu yaabka badan Dalka Soomaaliya gaar ahaan Koonfurta Soomaaliya oo dagaalo ehel iyo walaal u ah, waxayna sababaan dagaaladasi Dhimasho, Dhaawac, Barakac iyo Burbur hantida shacabka ah wayna yar tahay qasaaraha kala gaara Kooxaha isku haya Koonfurta Soomaaliya.
Haddaba iyadoo ay arrimahaasi oo dhan jiraan ayaa haddana wararkii ugu danbeeyey oo aan idinkaga soo tabino Caasimada Magaalada Muqdisho waxay sheegayaan xaalada Magaalada in ay tahay mid dagan, kadib dagaalo culus oo shalay Degmada Hodon ku dhex maray Ciidamada Ururka Xizbul Islaam oo ka mid ah garab diimeedyada hubaysan iyo Ciidamada Ahlusunna Waljameeca iyo kuwa Dowladda KMG ee soomaaliya.
Dagaaladaasi cuslaa shalay ka dhacay degmada Hodon waxay dhaliyeen in ay dad shacab ah wax ku noqdaan, taasoo sii laba laabaysa qasaaraha joogtada ah ee shacabka magaalada Muqdisho ka soo gaarto dagaalada iyo madaafiicda korkooda lagu ridayo.
Dhanka kale Shalay Magaalada Muqdisho waxaa ka amba baxay Ra’iisul Wasaare Sharmaarke oo u amba baxay Magaalada Neyroobi ee Dalka Kenya si halkaasi kullamo ugula qaato Beesha Caalamka, in kastoo Mr. Sharmaarke kullankii Natiijo la’aanta Baarlamanka hadal uu jeediyey Beesha Caalamka ku eedeeyey wax qabad la’aan dowladda KMG ee Soomaaliya.
Ugu danbeyntii Xaalka Muqdisho oo ah Mid Allow na mooti ah dadka ku noolna la jaar noqdeen dagaalo iyo duqeymo ayaa ah saaka mid laga filan karo dagaalo iyo duqeymo, balse ganacsiga iyo isku socodka saaka tahay mid si degan uga furmay.
Xafiiska bargaan.com ee Magaalada Muqdisho.
contactbargaan@yahoo.ca

|