BARGAAN

Bargaan.Mar walba.Meel kasta
 

 

 Booliska Liibiya oo xalay Raaf kula dhaqaaqay Soomaalida ku nool Dalkaasi.

Muqdisho.BM.Soomaalida u Tahriibtay Dalka Liibiya ayaa xalay la kulmeen Raaf  ay ku sameeyeen Ciidamada Booliska Dalka Liibiya, waxaana ka dhashay raafkaasi in Soomaali badan xalay hoy iyo gabaad ka dhigtaan dhul Beero ah oo duleedka Magaalada Tripoli ku yaala.

Hooyo ka mid ah Dadka Soomaaliyeed ee xalay ka irdhoobay xaafadahooda ayaa sheegtay In ay xalay iyada iyo laba caruur ah oo ay dhashay hoy iyo gabaad ka dhigteen dhul Beero ah oo Duleedka Magaalada ku yaala, markii Ciidamada Booliska sameeyeen raaf ka dhan ah Ajaanibta dalkasi oo Soomaalida qeyb ka tahay.

Lama oga sababta Ciidamada Booliska xalay howlgalada ka dhanka ah Soomaalida uga sameeyeen  Xaafado ka mid ah Dalka Liibiya, sidoo kale Booliska dalkaasi kama hadlin howlgaladaasi oo dad badan oo Soomaali iyo Ajaanib kale ku qabqabteen kuwaas oo loo taxaabay xabsiyada dalkaasi oo Soomaali fara badan ku xiran yihiin.

Mas’uuliyiinta Dowladda KMG ee soomaaliya waxay horay kullamo ay la yeesheen Madaxda Dalka Liibiya ay sheegeen in ay Liibiya kala hadleen Soomaalida ku sugan dalkaasi in ay si nabad geliyo ah ugu noolaadaan lagana sii daayo Xabsiyada dalkasi.

Ugu danbeyntii Raafka Ciidamada Booliska Dalka Liibiya kula dhaqaaqeen Soomaalida iyo ajaanibta kale waxa uu qeyb ka noqonayaa Raaf joogto ah oo ay wehel u noqdeen Soomaalida gaar ahaan Bulshada koonfurta Soomaaliya oo marar badan laga Raafay Kenya, iyo dalal kale oo Maamulka Puntland oo Soomaali ah qeyb ka  yihiin.

Xafiiska bargaan.com ee Magaalada Muqdisho.

contactbargaan@yahoo.ca

- - - EMAIL:
© Copyright RealWeb Enterprises Ltd.all rights reserved.