BARGAAN

Bargaan.Mar walba.Meel kasta
 

 

Ciidamada Dowladda KMG oo baaritaano ka bilaabay Wadada Maka Al-Mukarama ee Magaalada Muqdisho.

Muqdisho.BM.Ciidamada Maamulka Gobolka Banaadir dowladda KMG ee Soomaaliya saaka waxay howlgalo Baaritaano ah ka wadaan Wadada maka Al Mukarama ee Magaalada Muqdisho si ay u xaqiijiyaan Amaanka.

Ciidamadan oo adkeeyey amaanka Maka Al mukarama waxay baaritaanada ku samaynayaan gaadiidka BL-ka kuwa raaxada iyo Rakaabka la socda BL-ada isaga kala goosha wadadaasi.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa dhawaan shegay in ay samaynayaan howlgalo amaanka ah si loo xaqiijiyo amaanka loona yareeyo qaraxyada ka dhaca degmooyinka Dowladda KMG ay Maamusho.

Ugu danbeyntii howlgalada Ciidamada dowladda KMG ka bilaabeen Maka Al Mukarama ee Magaalada Muqdisho ma jirto dad ay u qabteen falal Amaanka ka soo horjeeda.

Xafiiska bargaan.com ee Magaalada Muqdisho.

contactbargaan@yahoo.ca

- - - EMAIL:
© Copyright RealWeb Enterprises Ltd.all rights reserved.