BARGAAN

Bargaan.Mar walba.Meel kasta
 

 

Dhaqdhaqaaqyo ciidan xoog leh oo ka jira Gobolada Jubooyinka iyo Bakool.

Muqdisho.BM.Wixii ka danbeeyey hanjabaadyo ay jeedinayeen Saraakiisha Ciidamada dowladda KMG ee Gobolada Jubooyinka iyo Bakool ayaa waxaa xalay ilaa shalay goboladaasi ka socda dhaqdhaaaqyo ciidan oo aan noociisa horay loogu arag goboladaasi.

Ciidamada dowladda KMG oo garab ka helayaan ciidamo Itoobiyaan ah ayaa lagu soo waramayaa in ay dhaqdhaqaaqyadan ka wadaan qeybo ka mid ah Bakool si ay hardanka dagaalada dowladda KMG ku doonayso in ay dib ugu qabsato Gobolada Bay iyo Bakool uga qeyb qaataan.

Sidoo kale ciidamada dowladda KMG gobolada Jubooyinka waxay wadaan abaabulo ciidan iyo qorshe dagaal aad u xoogan kaasoo laga cabsi qabo todobaadyada soo socda horaantiisa dagaalo culus ka holcaan gobolada Jubooyinka, Bakool, Gedo iyo Hiiraan.

Dowladda KMG saraakiil u hadashay waxay sheegeen kuna cel celiyeen inuu dhammaaday qorshooyinkooda dagaal waxa u dhimana ay yihiin duulaan midaysan oo ay ku soo qaadaan goboladaasi si ay u jiiraan Alshabaab oo maamulkoodu ka dhisan yahay goboladaasi.

Ugu danbeyntii dad badan ayaa shaki geliyey duulaanka dowladda KMG u qorsheysan in ay adag tahay qaabkii ay kula wareegi lahaayeen Goboladaasi, maadaama awooda ciidamada Alshabaab Goboladaasi ay sii xoogaysanayaan.

Xafiiska bargaan.com ee Magaalada Muqdisho.

contactbargaan@yahoo.ca

- - - EMAIL:
© Copyright RealWeb Enterprises Ltd.all rights reserved.