BARGAAN

Bargaan.Mar walba.Meel kasta
 

 

Qasaaraha shacabka Muqdisho ka soo gaaray dagaalo iyo Duqeymo shalay ka dhacay Magaalada oo baaxadiisu sii kordheyso.

Muqdisho.BM.Shacabka Magaalada Muqdisho waxaa joogto u noqotay madaafiic iyo dagaalo maalin kasta ka dhaca Magaalada Muqdisho, waxaana rayidka ka soo gaara qasaare kala duwan.

Dhacdadii ugu xanuunka badnayn inta lagu guda jiro Bisha Ramadaan waxay shalay ka dhacday Degmooyin ka tirsan Magaalada Muqdisho, gaar ahaan xero ay ku noolyihiin qoysas barakacayaal ahaa oo shalay Madaafiic ku hubstay agaagaraha Isbitaalka Digfeer ee Magaalada muqdisho.

15 qof ayaa dhimatay ku dhawaad 55 qofood oo rayid ahna waxaa soo gaaray dhaawacyo kala duwan, markii shalay madaafiic iyo dagaalo culus dhex maray xoogaga hubaysan iyo Dowladda KMG ee Soomaaliya.

Isbitaalada Madiina, Keysanay, Deyniile oo la gaarsiiyey dhaawacyada wararka saaka ka soo baxaya waxay sheegayaan in ay sii kordhayaan qasaaraha ka dhashay duqeymaha iyo dagaalada ay ku la’deen shacabka masakiinta ah ee ku barakacay qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho.

Ugu danbeyntii ma ahan markii ugu horaysay qasaare intaasi la eg ka soo gaarto shacabka Duqeymaha indha la’aanta ah ee maalin kasta lagu asqeeyo caasimada Magaalada Muqdisho.

Xafiiska bargaan.com ee Magaalada Muqdisho.

contactbargaan@yahoo.ca

- - - EMAIL:
© Copyright RealWeb Enterprises Ltd.all rights reserved.