BARGAAN

Bargaan.Mar walba.Meel kasta
 

 

 Guddoomiyihii Degmada Guriceel ee maalmulka Ahlusunna Waljameeca oo qarax qasaare culus ka soo gaartay caruur uu dhalay lagu weeraray.

Muqdisho.BM.Qarax Miino rumuudka laga hago ayaa shalay xili la isku diyaarinayay afurka lagu weeraray gaari uu la socday Guddoomiyaha Degmada Guriceel  Ahlusunna Waljameeca Cismaan Taardhuleed.

Qaraxan waxa uu ka dhacay guriga Guddoomiyaha meel aan ka fogayn, waxaana ka dhashay Qasaarooyin dhaawacyo ah oo soo gaaray Caruur uu dhalay guddoomiyaha oo afaafka hore guriga ku cayaarayay iyo dad socoto ahaa.

Cismaan Taardhuleed oo ka hadlay qaraxa Miino uu ka badbaaday shalay ayaa sheegay in uu wado baaritaano uu ku ogaano kooxihii ka danbeeyey weerarkaasi lagu weeraray guddoomiyaha.

Dhaawacyada Caruurta guddoomiyaha oo laba ah iyo laba qof kale oo rayid ah waxaa loo qaaday Isbitaalka Degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud, xaaladooda caafimaadna waa mid aad u wanaagsan.

Saraakiisha Maleeshiyaadka Ahlusunna Waljameeca howlgalo ay ka sameeyeen xlaay degmadaasi waxay ku soo qabqabteen dad rayid ah oo ay la xariirnayaan weerarkii uu ka bad baaday guddoomiyaha.

Ugu danbeyntii Saraakiisha Ciidamada Amaanka Ahlusunna Waljameeca faah faahin kama bixin qaraxa ka dhacay Degmadaasi kaasoo uu ka bad baaday guddoomiyaha Degmada Guriceel Maleeshiyaadka Ahlusunna Waljameeca Cismaan Taardhuleed.

Xafiiska bargaan.com ee Magaalada Muqdisho.

contactbargaan@yahoo.ca

- - - EMAIL:
© Copyright RealWeb Enterprises Ltd.all rights reserved.