Barakacayaasha Kaamamka Muqdisho oo deegaanada loo barakacay oo la’ Kaamam Qaxooti ay saldhigtaan.
Muqdisho.BM.Qoysaska ku barakacay xaafado ka mid ah caasimada Magaalada muqdisho waxay bilaabeen in ay ka barakacaan Kaamamkooda Muqdisho, si ay u bad baadsanaan Nafafyaalkooda, laakiin waxay waayeen kaamam ay saldhigtaan Duleedka Magaalada Muqdisho.
Barakacayaashan oo u badan Caruur, Haween iyo dad da’ ah waxay ka soo barakaceen Kaamam ay ku lahaayeen agagaaraha Isbitaalkii hore ee Digfeer, kadib markii labadii Maalin ugu danbeysay madaafiic qasaare culus ka soo gaartay barakacayaashaasi ku dhaceen, una adkeysan waayeen in ay ku sii nagaadaan xaafadahaasi oo ka samaysan Cowshado Baco ah oo aan celin Karin xitaa Xabadaha yar yar oo ay is dhaafsanayaan dowladda KMG iyo xoogaga hubaysan iska dhaafe Madaafiic culus.
Hooyo Muxubo Sheekh Aadan oo ka mid ah Qoysaska ka soo barakacay Kaamamkii ay ka daganaayeen Digfeer waxay sheegtay in ay ka la’yihiin Deegaanka Ceelasha Biyaha Kaamam Qaxooti ay saldhigtaan, maadaama deegaanadaasi Kaamamkii ku yaalay dhammaantood la wada iibsaday, ayna yar tahay Kaamam Qaxooti oo ku yaala deegaankaasi.
Ugu danbeyntii qoysas yar oo ku haray Kaamamka ku dhow dhow Digfeer ee awoodi kari waayay In ay barakacaan waxay ugu baaqeen Dowladda KMG, AMISOM, Ahlusunna Waljameeca, xizbul Islaam iyo Alshabaab in ay dagaalada joojiyaan inta lagu jiro Bisha Ramadaan oo xaalada nololeed aad u liidato.
Xafiiska bargaan.com ee Magaalada Muqdisho.
contactbargaan@yahoo.ca

|