BARGAAN

Bargaan.Mar walba.Meel kasta
 

 

 BISHA RAMADAANKA AWGEED-FADLAN SOO DAAYA LAMAANAHA INGIRIISKA AH

Munaasabadda Bisha barakeeysan ee Ramadaanka oo ah bisha Raxmadda
Naxariista iyo is-caawinta,bisha camal kheyrka iyo isu-gargaarida
sidaas awgeed waxaan halkan baaq Islaanimo,bani-aadaminimo,Xaq-dhowr
Somaalinimona ku dheehan tahay kuna socda kooxda mudada dheer sanad
ku dhoow,Lamaanaha Ingiriiska ah waayeelka ah haba yaraatee wax fal
dembiyeed ah ka gelin guud ahaanba Ummadda iyo Dalka Somaaliyeed in
eey iska soo daayaan,iyagoo ka duulaaya hanaanka habka ama doorka
cafiska iyo isu-naxariisashada Diinteena Islaamku ina fareeyso,iyagoo
tixgelinaaya codsiyada faraha badan oo iga imaanaaya Walaalahooda ku
Dhaqan Dalkan UK(Jaaliyadda Somaaliyeed)iyagoo sidoo kale kaashanaaya
Caqligooda iyo damiirkooda bani-aadaminimo sida ku haboona u qadariya
Xurmadda basharka ka dhexeeysa,Fadlan soo daaya Lamaanahaas.

Walaalayaal-Naxariistu weey u furan tahay qof walba oo dhiban,dadnimaduna waxeey dhigeeysaa in laga fogaado wixii xumaan ku saleeysan,Lamaanahaadu intii eey rafaadi lahaayeen ama dhibaato xayiraadeed,xoriyad ka qaadid iyo ka maqnaanshaha ehelkoodiiba intaasu ugu filan,waxaan filaayo in eey sii xamili karaayaan sii daysasho kale,runtiina si weyn ayeey u daaleen,waxaan filaayaa hadii qof idiinka ka mid ah dhibkaas oo kale la kulmi lahaa wuu sida ku haboon u dareemi lahaa rafaadka iyo dhibka weyn oo dul saaran Lamanaahaas,waa aragtaan da'da eey ku jiraan,waa aragtaan heerka ama xaaladoda caafimaad,waa aragtaan murugada joogtada ah oo wajigooda ka muuqda, waana dameeri kartaan muural jabka,niyad xumada iyo rajo gabka ku sii siyaadaaya Maalinba maalinta ka dameeysa,Waxaan sidoo kalle halkan uga soo jeedinaayaa ama kugu soo gudbinaayaa Jaaliyadda Somaaliyeed ee Magaaladda Bristol in sameeyaan Maalin ama habeen taageero ah(kulan taageero ah)oo lamaanahaas loogu hilinaayo, Codsina loogu gudbinaayo Kooxdda af-duubka u haaysata.

Gunaanadka qormadan kooban-Marka labaad waxaan kooxdda gacanta ku heeysa Lamaanahaas si Islaanimo iyo Somaalinmo leh uga codsanaayaa soo deeyntooda iyo u soo celinta xoriyadooda,Walaalayaal fadlan qiimeeya bisha Ramdaanka, Walaalayaal-Fadlan qiimeeya Bani-aadaminimadda iyo xurmadda dhaqankeenba sida uga dhakhso badana fadlan,fadlan u soo daaya Lamaanahaas,waana qormadeeydii Sadexaad oo arrintaas ku saabsan,waxaan rajeeynaayaa in:-Culimaa'udiinka iyo Wax-garadka degaanku eey doorkooda ciyaaraan iskuna dayan in eey codsi mar kale u diraan Dhalinyarada Lamaanahaas gacanta ku haya.

Xafiiska bargaan.com ee Magaalada Muqdisho.

contactbargaan@yahoo.ca

- - - EMAIL:
© Copyright RealWeb Enterprises Ltd.all rights reserved.