Askari qof rayid ah ku dilay Degmada Waabari ee Magaalada Muqdisho.
Muqdisho.BM.Ciidamo ka tirsan Dowladda KMG ee soomaaliya ayaa saaka qof rayid ah ku toogtay Degmada Waabari ee Magaalada Muqdisho, markii ay dileen kadibna Ciidamadu Meydka qofkaasi horay u qaateen.
Qof ka mid ah dadka deegaanka Degmada Waabari oo falka dilka ah ka dhacay ayaa sheegay Ciidamada dowladda KMG oo baaritaano ka waday degmadaasi in ay amar ku sii yeen ruuxa dhintay oo ah wiil dhalinyaro ah inuu istaago, laakiin ka dhaga adeygay wiilkaasi dhalinyarada ahaa oo Gacanta Midig ku sitay Ban Madow, kadibna rasaas ah ku fureen Ciidamada dowladda KMG u geeriyooday.
Ciidamada dowladda KMG ee Soomaaliya ee falka dilka ah u geystay wiilkasi dhalinyarada ah waxay sheegeen in ay ku amreen inuu istaago si ay baaritaan ugu sameeyaan Bacda Madow uu watay, sidaasi darteedna u toogteen.
Ugu danbeyntii Ciidamada dowladda KMG ee Soomaaliya dhowr jeer oo hore ayay sedan oo kale dad rayid ah ugu toogteen degmooyinka ay maamusho dowladda KMG ee soomaaliya
Xafiiska bargaan.com ee Magaalada Muqdisho.
contactbargaan@yahoo.ca

|