BARGAAN

Bargaan.Mar walba.Meel kasta
 

 

Ciidamada Dowladda KMG oo baaritaano ka wada Degmada Dharkenley ee Magaalada Muqdisho.

Muqdisho.BM.Cutubyo ka tirsan Ciidamada dowladda KMG ee Soomaaliya waxay saaka howlgalo baaritaano ah ka wadaan xaafadaha Degmada Dharkenley ee Magaalada Muqdisho si ay u soo qabtaan kooxo qaraxyo ka fuliyey degmadaasi maalintii shalay.

Taliyaha Ciidamada Amaanka Degmada Dharkenley waxa uu sheegay howlgalkan in uu socon doono ilaa gelinka danbe ee maanta, waxayna baaritaano guri guri ah ka wadan Xaafada daba Kaanyo madow degmada Dharkenley ee magaalada Muqdisho oo marar badan qaraxyo lagula eegtay Ciidamada dowladda KMG ee soomaaliya.

Dhalinyaro ka mid ah dadka deegaanka ayaa lagu soo waramayaa in ay qabqabteen Ciidamada dowladda KMG, una gudbiyeen Saldhig Galbeed degmada Dharkenley oo dhawaan dib u dhis ku sameeyeen Maamulka Degmadaasi.

Ugu danbeyntii howlgalada Ciidamada saaka ka wadaan degmadaasi iyo degmada Waabari waxa ay qeyb ka tahay howlgalo Maamulka Gobolka Banaadir uu sheegay in ay ka fulinayaan degmooyinka ay maamulaan si loo xaqiijiyo amaanka.

Xafiiska bargaan.com ee Magaalada Muqdisho.

contactbargaan@yahoo.ca

- - - EMAIL:
© Copyright RealWeb Enterprises Ltd.all rights reserved.