BARGAAN

Bargaan.Mar walba.Meel kasta
 

 

Dad Cuno la’aan ugu geeriyooday Magaalada Muqdisho.

Muqdisho.BM.Guddoomiyaha Degmada Shibis dowladda KMG ee soomaaliya Kulmiye Yabarow Haruur ayaa sheegay qoysas barakacayaal ah oo ku nool Degmada Shibis qaarkood u geeriyoodeen cuno la’aan soo wajahday.

Dadka dhintay waxay u badnaayeen dad caruur ah sida ay sheegeen maamulka Degmadaasi, waxaana jirta dad kale oo u il daran cuno la’aanta heysata qoysaskaasi Barakacayaasha ah ee ku nool Degmada Shibis ee Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Degmada Shibis Maamulka Dowladda KMG ee Soomaaliya ayaa ugu baaqay mas’uuliyiinta dowladda KMG, Hay’adaha Samafalka, Ganacsatada iyo Bulshada kale ee soomaaliyeed in ay u gargaaraan qoysaskaasi cuno la’aanta ugu geeriyoonaya degmadaasi.

Ugu danbeyntii arrinta ayaa imaanaysa xili lagu jiro Bisha Ramadaan, isla markaana dagaalo ka socdaan qeybo ka mid ah Muqdisho, dagaaladaasina saamayn ku yeeshaan dadka shacabka ah oo xaaladooda nololeed ay tahay mid aad u liidata.

Xafiiska bargaan.com ee Magaalada Muqdisho.

contactbargaan@yahoo.ca

- - - EMAIL:
© Copyright RealWeb Enterprises Ltd.all rights reserved.