Qarax qasaarooyin dhimasho iyo dhaawacba ka dhashay oo xalay ka dhacay Buundada Degmada Waabari ee magaalada Muqdisho.
Muqdisho.BM.Taliska Ciidamada Booliska dowladda KMG ee Soomaaliya ayaa xog dheeraad ah ka bixiyey qarax xalay ka dhacay Buundada degmada Xamar jajab ee Magaalada Muqdisho.
Afhayeenka Ciidamada Booliska dowladda KMG ee Soomaaliya C/laahi Xasan Bariise ayaa sheegay qaraxa inuu ahaa Miino dhulka lagu aasayay, iyadoona qofka dhintay oo ay saaka soo bandhigeen Taliska booliska uu ahaa qofkii aasayay Miinadaasi oo ay la qaraxday.
Bariise waxaa kale uu sheegay in ay qabteen laba wiil dhalinyaro ah oo mid ka mid ah dhaawac fudud soo gaaray, kuwas oo ay sheegeen in ay ka mid ahaayeen dadkii aasayay Miinada.
Wadada qaraxa uu ka dhacay xalay waxaa saaka gaaray dadweyne fara badan oo soo daawanayay meydka wiilka dhintay oo ay sheegeen Taliska Booliska inuu ahaa qofkii aasayay Miinadaasi, wadadaasina waxay tahay meel inta badan ay isticmaalaan Saraakiisha ciidamada iyo Maamulka Degmadaasi.
Xafiiska bargaan.com ee Magaalada Muqdisho.
contactbargaan@yahoo.ca

|