Dowladda Ruushka oo sheegtay inay Dowladda Ugandha ka taageerayso howlgalada ay ka wado Soomaaliya.
Muqdisho.BM.Dowladda Ruushka ayaa sheegtay in ay taageero ballaaran siinayso dowladd Ugandha si ay u balaariso howlgalada ay ka wado gudaha dalka Soomaaliya.
Safiirka Dowladda Ruushka u jooga Magaalada Kampala ee Dalka Ugandha Mr, Sergey N.Shishkin ayaa sheegay Xukuumadiisu in ay taageero ballaaran siinayso dowladda Ugandha si ay u balaariso howlgalada ay ka wadaan dalka Soomaaliya.
Dowladda Ruushka Sidoo kale waxay ugu baaqday beesha Caalamka in ay si dhab ah isaga kaashadaan taageerada dowladda KMG iyo Ciidamada AMISOM howlgalada ay ka wadaan Soomaaliya loo siin lahaa si loogu guuleysto dib u soo celinta amaanka soomaaliya.
Safiirka waxa uu sheegay haddii ay xoogaystaan xoogaga hubaysan inay saamayn ku yeelan doonto dalalka Soomaaliya la dariska ah, Ugandha iyo safaaradaha dowladdaha kale ku leyihiin Magaalada Kampala oo weeraro uga yimaado kooxo uu shegay in ay argagixiso yihiin sida uu yiri.
Xafiiska bargaan.com ee Magaalada Muqdisho.
contactbargaan@yahoo.ca

|