Ciidamada Militariga Dowladda KMG oo baaritaano ka wada Degmada Waabari.
Muqdisho.BM.Kolonyo ciidamo ka tirsan kuwa Militariga Dowladda KMG ee soomaaliya, isla markaana ku labisan dareeska Ciidamada oo isku nooc ah ayaa saaka waxay howlgalo adag oo baaritaano ah ka wadaan Xaafadaha Degmada Waabari ee Magaalada Muqdisho.
Goob joogayaal ayaa sheegay saaka markii uu waaga baryay dadka deegaanadaasi ku soo toosteen Ciidamada Militariga oo baaritaano guri guri ah ka samaynayaan xaafadaha Degmadaasi, iyadoona qaar ka mid ah dadka deegaanka oo qaab fara muuq ah ugala baxeen ciidamada guryahooda.
Degmada Waabari waxaa shalay lagu soo bandhigay meydka Nin la sheegay in uu u geeriyooday qaraxa miino uu dhulka ku aasayay, waxayna degmadaasi ka mid tahay degmooyinka ugu qaraxyada iyo dilalka badan goobaha dowladda KMG ay maamusho.
Taliska Ciidamada Militariga dowladda KMG ee Soomaaliya kama waramin howlgalada culus saaka Ciidamadaasi ka hayaan xaafadaha Degmada Waabari ee Magaalada Muqdisho.
Ugu danbeyntii howlgaladan waxay saamayn ku yeesheen isku socodka gaadiidka iyo goobaha ganacsiga yaryar ee Degmadaasi oo saaka hakad ku yimid.
Xafiiska bargaan.com ee Magaalada Muqdisho.
contactbargaan@yahoo.ca

|