Dowladda Koonfur afrika oo dib uga laabtay Ciidamo keenista Soomaaliya
Muqdisho.BM.Dowladda Koonfur Afrika oo dhawaan shaacisay in ay ciidamo 2-kun Gaaraya u dirayso Soomaaliya ayaa waxay sheegtay in ay dib uga laabatay go’aankaasi kadib markii Baarlamanka dalkaasi isku qilaafay ciidamo loo diro Soomaaliya.
Sarkaal sare oo u hadlay Saraakiisha Ciidamada dalka Koonfur afrika ayaa sheegay in ay dib uga laabteen ciidamo ay geeyaan Soomaaliya, waxayna sheegeen xaalada ka jirto Soomaaliya in aysan waxba ka tari Karin Ciidamadooda oo la geeyo.
Baarlamanka Dalka Koonfur Afrika waxa uu baryahan danbe ku howlanaa sida laga yeelay dalabka madaxda Afrika ee ahaa in ciidamo nabad ilaalin ah loo diro dalka Soomaaliya, isla markaana dalka Koonfur Afrika qeyb ka noqoto dalalka Ciidamada u diraya Soomaaliya, ayaa waxay isku qilaafeen arrintaasi.
Ugu danbeyntii ma ahan dalkii ugu horeeyey oo Afrikaan ah dibna uga laabto go’aanka Ciidamo u soo dirista Soomaaliya, waxaana sedan oo kale dib uga laabtay in ay ciidamo u diraan Soomaaliya Dalka Butuswana oo sheegay ciidamadii ay u diri lahaayeen Soomaaliya in ay u ilaalinayaan Xaywaanaadka duurjoogta ah.
Xafiiska bargaan.com ee Magaalada Muqdisho.
contactbargaan@yahoo.ca

|