Xukuumada Itoobiya oo mar kale ku baaqday in la garab istaago Dowladda Shariifka.
Muqdisho.BM.Xukuumada Itoobiya ayaa mar kale ugu baaqday Beesha Caalamka iyo dalalka la dariska ah Soomaaliya in la taageero dowladda tabarta yar ee uu hogaamiyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Ra’iisul Wasaaraha xukuumada Itoobiya Meles Zanawi oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Addis Ababa ee Dalka Itoobiya ayaa sheegay in ay lagama maarmaan tahay taagerida dowladda KMG ee soomaaliya oo xaalado dagaalo ah kula jirta kooxaha mucaaradka.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Itoobiya meles Zanawi waxa uu sheegay dhanka Xukuumadiisu in ay diyaar u tahay wax kasta oo taageero ah oo dowladda KMG uga baahato, laakiin ay muhim tahay taageerada Beesha Caalamka.
Baryihii ugu danbeysay waxaa soo baxayay olole Xukuumada Itoobiya ugu jirto sidii mar kale dagaalo ka dhan ah xoogaga mucaaradka ku ah dowladda KMG looga bilaabi lahaa guud ahaan Gobolada Koonfurta Dalka soomaaliya oo dhan.
Xafiiska bargaan.com ee Magaalada Muqdisho.
contactbargaan@yahoo.ca

|