BARGAAN

Bargaan.Mar walba.Meel kasta
 

 

CALEEMA SAARKII HIIRAAN STATE

Muqdisho.BM Waxaa Xaflad aad iyo aad ah loo soo agaasimey eey ka dhacdey Hotelka Caalimiga ah ee Inter-Continental Hotel. Xafladaan oo aheyd caleema saarka Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku Xigeenka Cusub ee loo doortey Hiiraan State of Somalia.

Xafladaan oo aheyd Xafladii si weeyn looga soo shaqeeyey taasoo eey kasoo qeeyb galeen Dadweyne kor u dhaafey 500 Xubnood, Qurba Joog Reer Hiiraan State ah oo ka yimid Dalalka Canada, Mareykanka, Europe, Carabaha, Africa iyo Gudaha Somalia waxaana sidoo kale xafladaas goobjoog ka ahaa madax caan ka ah dalka Somalia sida Madaxweynihii Hore ee Somalia Madaxweyne Ali Mahdi Mohammed, Ku Xigeenka Baarlamaanka dalka Kenya Mudane Farah Moalim, Xildhibaanad Caasha Abdalla, Xildhibaan Qoono, Saraakiil sare oo ka tirsan Maamul Goboleedyadda Somaliland, Puntland, Galmudug, Jubbaland.
 
Sidoo kale waxaa kasoo qeeyb galay Saraakiil Caalami ah oo ka socdey Safaaradaha Shisheeye sida Sweden, Canada iyo Heya'adaha Qaramadda Midoobey.
 
Xafladaan ayaa waxaa lagu dhaarshey Madaxweynaha iyo Madaxweyne Kuxigeenka Hiiraan State ayadoo uu dhaarshey Sh. Abdulkadir Sh. Muumin Shiiraar.
Fanaaniinta Soomaliyeed ee Nairobi ayaa gogosha si talantaali ah u maaweelinayey ayagoo soo bandhigey heeso cusub oo loo sameeyey Hiiraan State.
Gabagabadii waxaa halkaas ka hadlay Madaxweyneha Hiiraan State Ing. Mohamud Abdi Gaab iyo ku Xigeenka Madaxweynaha Col. Isaaq Ali Abdulle kuwaasoo runtii hadal aad u qiimo leh dareenka dadkana soo jiitey ka jeedshay madasha caleema Saarka balana ku qaadey ineey xilalka loo dhiibey kasoo dhalaali doonaan.
 
Dhamaan dadweynihii Boqolaalka kor u dhaafey ayaa runtii uga mahadcelshey Afurkii iyo Cashadii sida wacan loo soo agaasimey ee loogu sameeyey Hotelka Intercontinental ee lagu dhaarinayay Madaxda Hiiraan State.





 DAADIR GUURE

Xafiiska bargaan.com ee Magaalada Muqdisho.

contactbargaan@yahoo.ca

- - - EMAIL:
© Copyright RealWeb Enterprises Ltd.all rights reserved.