Maamulkii hore Dowladda KMG oo jawaab ka bixiyey hadal ka soo baxay Maamulka Xizbul Islaam ee Luuq.
Muqdisho.BM.Maamulkii hore Dowladda KMG ee Soomaaliya Gobolka gedo ee hadda baxsadka ku ah Degmada Doolow ee Gobolkaasi ayaa jawaabka bixiyeen hadalo hanjabaadyo ah oo maamulka Gobolkaasi Xizbul Islaam u diray.
Afhayeenka Ciidamada Dowladda KMG ee Soomaaliya iyo kuwa Ahlusunna Waljameeca Shariif C/waaxid Shariif Aadan ayaa sheegay hadalkaasi inuu yahay mid la iska yiri Maamulka Xizbul Islaamna awood u lahayn in ay la waregaan Degmada Doolow oo uu sheegay in ay ku sugan yihiin Ciidamo fara badan oo dowladda KMG ka tirsan.
Dhanka dowladda KMG waxa uu sheegay afhayeenka in ay dhameeyeen weeraro ay ku qaadayaan Degmooyinka Luuq, Balad-xaawo, baardheere iyo degmooyin kale oo ka mid ah Gobolka Gedo, halkaasi oo maamul islaami ah ka jiraan.
“Dhawaan waxaan gacanta ku dhigi doonaa degmooyinka Gobolka Gedo oo dhan, waxaana uga sii talaabaynaa Gobolada kale si aan uga sifayno Koonfurta oo dhan Alshabaab iyo xizbul Islaam” ayuu yiri afhayeenka guud ee Ahlusunna Waljameeca iyo dowladda KMG Degmada Doolow ee Gobolka Gedo.
Ugu danbeyntii afhayeenka waxa uu beeniyey in ay duulaankasi ku soo wehlinayan Ciidamo itoobiyaan ah, waxa uuna xusay in ay ku filan yihiin dagaaladasi ciidamo uu sheegay in ay soo qaateen tababar sare.
Xafiiska bargaan.com ee Magaalada Muqdisho.
contactbargaan@yahoo.ca

|