BARGAAN

Bargaan.Mar walba.Meel kasta
 

 

Booliska Dalka Kenya oo xir xiray Tahriibayaal Soomaali ah.

Muqdisho.BM.Ciidamada Booliska dalka Kenya ayaa xir xiray  31 qofood oo Soomaali u badan tahay kuwaas oo u Tahriibayay dalka Koonfur Afrika si ay u maraan badda.

Dadka Tahriibayaasha ah waxaa laga qabqabtay Magaalada Kwale ee Wadanka Kenya, waxaana la dhigay Saldhiga Magaaladaasi sida uu sheegay Sarkaal sare oo ka tirsan  Ciidamada Booliska Magaaladaasi.

Dadka la qabqabtay waxaa ka mid ah dad howsha Tahriibinta ah wax ka waday, waxaana dadkaasi laga qaaday lacag cadadeeda lagu sheegay 300 Doollarka Maraykanka ah, waxa uuna ujeedka safarkooda ahaa in ay u baqoolaan dhanka Koonfur afrika ah.

Tahriibka Badda loo marayo dalka Koonfur afrika ayaa ah mid dhawaan ka bilowday Magaalooyin xeebeedka Kenya, waxaana jirta dooman horay u safray in ay badda ku rogmatay kuna la’deen Tahriibayaashii la socday doomihii horay uga amba baxay magaalooyin xeebeedka Puntland.

Xafiiska bargaan.com ee Magaalada Muqdisho.

contactbargaan@yahoo.ca

- - - EMAIL:
© Copyright RealWeb Enterprises Ltd.all rights reserved.