BARGAAN

Bargaan.Mar walba.Meel kasta
 

 

 Degmooyinka Magaalada Muqdisho oo barakac ka socda.

Muqdisho.BM.Degmooyinka Deyniile, Huriwaa, yaaqshiid, Hodon, shibis iyo meelo kale waxaa saaka ka socda Barakac aad u xoogan oo ay samaynayaan dadka shacabka ah, markii ay u adkeysan waayeen dagaalada iyo duqeymaha xariirka ka noqda degmooyinka Magaalada Muqdisho.

Qoysaska barakaca samaynaya ayaa sheegay in ay wal wal ka muujiyeen Hanjabaadii shalay ka soo baxday afhayeenka Alshabaab taasoo ah muddo kooban in ay maagalada kula wareegayaan ama iyaga isaga baxayaan, tasoo macnaheedu yahay in ay xoojinayaan duulaamada dowladda KMG iyo  AMISOM kula jiraan.

Dadka barakacaya waxay u badan yihiin Caruur iyo Haween waxayna dadkaasi barakaca samaynaya u soo dhaqaaqeen dhanka Deegaanada loo barakacay ee Duleedka Magaalada Muqdisho, halka qeyb ka mid ah dadka barakaca samaynaya u talaabeen dhanka Gobolka Sh/hoose gaar ahaan Magaalada Marka.

Ugu danbeyntii ma ahan markii ugu horaysay degmooyinka Magaalada Muqdisho dagaalo ka dhacaan ay dhaliyaan in ay Barakacaan qoysas dan yar ah xili lagu guda jiro Bisha qeyrka iyo Cibaadada Baddan ee Ramadaan.

Xafiiska bargaan.com ee Magaalada Muqdisho.

contactbargaan@yahoo.ca

- - - EMAIL:
© Copyright RealWeb Enterprises Ltd.all rights reserved.