BARGAAN

Bargaan.Mar walba.Meel kasta
 

 

Sirdoonka Kenya oo xiray Nin looga shakisan yahay inuu ka danbeeyey qaraxyadii Hotel Paradise Magaalada Mombasa.

Muqdisho.BM.Saraakiisha Sirdoonka Dalka Kenya ayaa xira nin lagu eedeeyey inuu xudun u ahaa Qaraxyadii ka dhacay Hotel Paradise Magaalada Mombasa ee Dalka Kenya sanadka markuu ahaa 2002-dii, waxaana ninkaasi oo Soomaali ah loo taxaabay Xabsi.

Ciise Cismaan Ciise oo ah Soomaali ayaa waxaa lala xariirinayaa inuu ka danbeeyey weerarkaasi oo qasaare fara badan xiligaasi geystay, sidoo kale Sirdoonka dalka Kenya waxay xir xireen Lamaanayaal iyo dad kale oo ay ku eedeeyeen in ay si hoose oo qarsoodi ah ula shaqeeyeen Ciise Cismaan oo sida ay rumaysan yihiin Sirdoonka Kenya ahaa mashiinkii ugu weynaa qaraxyadaasi.

Dadka lala xir xiray Ciise waxay u dhasheen laba ka mid ah dalka Tunisa, waxaana lagu xiray Xaafada Eastleigh oo ah meel ay ku badan yihiin Soomaalida, waxaana xaafadaasi ka soo qabqabtay ciidamada Sirdoonka oo muddo badan baaritaano ku hayeen.

Dowladda Maraykanka ayaa horay u sheegtay Sirdoonkooda in Ciise kaalin mug leh ku lahaa qaraxyadii ka dhacay dalka Kenya, isla markaana xariif fiican la leh Ururka Alshabaab ee dagaalada kula jira dowladda KMG iyo Ciidamada AMISOM.

Ugu danbentii Booliska Dalka Kenya qeybta ka hortaga Argagixisada waxay wadaan baaritaano culus oo xitaa ay ku xir xirayaan dadka lagu eedeeyo in ay u ixsaan falaan xubnaha ku jira waxa reer galbeedku ugu yeeraan argagixisada Caalamiga ah.

Xafiiska bargaan.com ee Magaalada Muqdisho.

contactbargaan@yahoo.ca

- - - EMAIL:
© Copyright RealWeb Enterprises Ltd.all rights reserved.